Wednesday, February 8, 2012

XAYLAA KA DIGAY


XAYLAA KA DIGAY - HAILE HAS WARNED ABOUT THIS

Dadka oo xumaaniyo
Colaadiyo dilloodeen
Iska dooxa maatida
Duniduna ay yaabtay
Doqonimada teenaa

Axmed Xayle noo digay
Dadka yaan la dilinoo
Dalka yaan la duminoo
Dhulkan deexda weyn le
Wuuna wada deeqaa

Duunyo iyo ku bixi deeq
Daliil iyo la yimid qiil
Dagaal ooge yaal baa
Dirir iyo la galayoo
Dadaalkiisi diidee

Al-Jaziira dulmigii
Dacaayaddey faleysay
Iyo kuwi ka daba qoray
Qaran diid ka soo qaad
Nabad aanba doonayn

Daa’imow dalkaan nabad
Deegaanka wada sii
Dabinkana innaga saar
Derisnimo wanaag iyo
Dawladnimadu waa guul

Dalka nagu mid weeyaan
Dadkiisa innoo qoran
Dab-joog iyo duur-joog
Duunyadiisa oo idil
Diiwaan ku kaydsane

Hawadaa innagu dedan
Dakhliga ka soo baxa
Dad kalaaba maamulan
Xaylaa ka digayoo
Damiir xumo weeyaan

Baddaa dahabku ceegago
Daa’im dhaxal innoo sii
Dib baa loo cabirayaa
Xaylaa ka digayoo
Dibin daabyo weeyaan

Dhir haddii la dabar jaro
Hawaduna ku diiqow
Roobna di’i maayee
Xaylaa ka digayoo
Macluul yaa dillaaciye

Dadkanaga dul iyo hoos
Isku derejo weeyaan
Afar iyo bar diidnoo
Xaylaa ka digayoo
Dadbaa lagu takooraa

Dawladaha deriskaa
Mid waliba dantiisuu
Dadkayaga u laayaa
Xaylaa ka digayoo
Digtoonaantu waa taa

Danta caalamkaa ah
Inaan laba dawoobin
Oo dagaalku raagee
Xaylaa ka digayoo
Innagaan dareemine

Doqon iyo damaaci
Damiir laawe oo idil
Dibindaabyadooda
Xaylaa ka digayoo
Nama dagi karaayaan

THE END

No comments:

Post a Comment