Like Ahmed Haile on Face Book: https://www.facebook.com/AhmedAliHaile
AHMED HAILE
In Memory of a Legendary Peacemaker
Thursday, August 8, 2013
Tuesday, April 2, 2013
Thursday, May 10, 2012
NABAD - PEACE
Door weeye nabadduye
Innagaan dareemine
Dadka kaleba wuu garan
Dunidaba ma eegteen
Daafaha aduunyada
Axmed Xayle dersinkii
Durruustuu dhigaayay
Ku dadaala nabaddoo
Demiya dagaalada
Waa taan ka diidnee
Xayle derin innoo dhig
Salool iyo bun noo dub
Dabka demiya nagu yiri
Innuu dilaba mooyee
Dagaal wiil ma koriyee
Maxaa Carab innoo daran
Dalkood ugu tahriibnaa
Saxaraha dugaag dila
Dadkeen ugu lugeeyaa
Harraad ugu dilaayaa
Dalka yaan la diiran
Dadka yaan la dilinoo
Dhaqan dawyo soo jiray
Dastuur iyo nidaam baa
Nabad lagu dabbaashaa
Waa dardaaran Xaylee
Waala dereja beeliye
Dibad joog ayaan noqon
Dadkaa nagu maadsani
Haddaan nabad la dooran
Dalkan mee dadkiisii
Day day iyo mooryaan
Yaa dooxanaayee
Dadki iyo dalkiiba
Dhiig baa da’aayee
Bad miyaa innoo dihan
Roob miyaaba noo da’a
Doog miyaa innoo baxa
Xoolo daaq innoo taga
Wayna moora duugeen
Xaylaa Daa’im tuugoo
Dabiib iyo Allow keen
Nin door noo dagaalama
Maatida difaaca
Danta guud ilaalsha
Ducadaas Ilaahbaa
U aqbalay dadkiiyoo
Dayuusinti inna dilay
Dabadeyba taageen
Daanyeer sidiisii
Waala doogsan doonaa
Heedhe yaan la dacaroon
Dembiyo dad soo gelay
Tegi karin dalkoodii
Yaaney nagu danaysan
Dumar iyo ragow toos
Daa’im idin derejee
Dalya duunyo idin sii
Ka difaacda tuugada
Hadba shaar dadkuu xiran
Kuwa calanka diidee
Indheer garad dilaaya
Dawladnimada diiddan
Xaylaa u digayoo
Dacwad baa sugaysaa
Dalka waan dhisaynaa
Dadka waala daaweyn
Dakanada kuwii galay
Xaylaa u digayoo
Dacwad baa sugaysa
Saturday, March 17, 2012
GUHAAD - ANGUISH
Geeridu xaq weeyee
Intuu uumay Guulana
Nafta geliyay oo idil
Way wada go’aayaan
Goorti ay ahaataba
Anigoona taa garan
Guhaad iyo caloolyow
Gocashaan dareemaa
Gama’ii la ii diid
Gogoshaanba hiifaa
Muu gaboobin Xaylee
Guxush muuna noqon weli
Mana uu gu’ waynayn
Gadh madaw han qaadiyo
Geesi buu ahaayee
Axmed Xaylihii go’ay
Nabaddoonki guushiyo
Gobanimo u dhaladkiyo
Gacanwaynidiisaa
Qabigayga kaba go’in
Geeridiisi awgeed
Gaawaheenu maranoo
Guunyana ma aan lihin
Afar uu gob ku ahaa
Goobta yaanba soo dhigi
Dadkoo gees u kala baxay
Geed fuushay nabadduna
Laysu guran gantaalada
Gowrac laysla maagay
Gardaradu hanqaadday
Isagoon gabbanahayn
Ridahayn gar eexaad
Geeshkiyo gulufkii
Uu qolaba gaarkeed
Garansiiyay nabaddoo
Gabanadi uu dhalay
Gambo kaan u haynin
Gurigiisu maran yahay
Gaaridiisi yaabtay
Gurboodkiisi gaajoon
Gacal iyo danlayba
Axmed Xayle gurigiis
Yaa loo gurtaaye
Wixii Guulle siiyoo
Gacmaha u buuxshaa
Cilmigaan la garanayn
Galti bixin waydoo
Isagaaba garan jiray
Gaamurtay aqoontiis
Jaamacado yuu galay
Cilmi yuu gunaanaday
Tii la garan waayana
Ka caddeeyay giirkee
Aqoontiisa gaarka ah
Waa garasha dheeree
Kaftan aan gef lahayn
Isku riixo gacalku
Googaalaysi gaariyo
Guud caddu bilowdo
Goobtuna camiran tahay
Geeraar aftahaniyo
Guurowga lala dhacay
Gabayadu bilowdaan
Gebagebada isagaa
Guubaabada lahaayee
Maantase galbadayoo
Geeridu xaq weeye
Nebiyadi horuu go’ay
Yuu gogol la joogaa
Guullaha agtiisee
Ummadduu gargaarkiyo
Garabkuu ahaana
Geyigooda nabad sii
Gees mari colaadaha
Goor iyo ayaanba
THE END
Wednesday, February 8, 2012
XAYLAA KA DIGAY
XAYLAA KA DIGAY - HAILE HAS WARNED ABOUT THIS
Dadka oo xumaaniyo
Colaadiyo dilloodeen
Iska dooxa maatida
Duniduna ay yaabtay
Doqonimada teenaa
Axmed Xayle noo digay
Dadka yaan la dilinoo
Dalka yaan la duminoo
Dhulkan deexda weyn le
Wuuna wada deeqaa
Duunyo iyo ku bixi deeq
Daliil iyo la yimid qiil
Dagaal ooge yaal baa
Dirir iyo la galayoo
Dadaalkiisi diidee
Al-Jaziira dulmigii
Dacaayaddey faleysay
Iyo kuwi ka daba qoray
Qaran diid ka soo qaad
Nabad aanba doonayn
Daa’imow dalkaan nabad
Deegaanka wada sii
Dabinkana innaga saar
Derisnimo wanaag iyo
Dawladnimadu waa guul
Dalka nagu mid weeyaan
Dadkiisa innoo qoran
Dab-joog iyo duur-joog
Duunyadiisa oo idil
Diiwaan ku kaydsane
Hawadaa innagu dedan
Dakhliga ka soo baxa
Dad kalaaba maamulan
Xaylaa ka digayoo
Damiir xumo weeyaan
Baddaa dahabku ceegago
Daa’im dhaxal innoo sii
Dib baa loo cabirayaa
Xaylaa ka digayoo
Dibin daabyo weeyaan
Dhir haddii la dabar jaro
Hawaduna ku diiqow
Roobna di’i maayee
Xaylaa ka digayoo
Macluul yaa dillaaciye
Dadkanaga dul iyo hoos
Isku derejo weeyaan
Afar iyo bar diidnoo
Xaylaa ka digayoo
Dadbaa lagu takooraa
Dawladaha deriskaa
Mid waliba dantiisuu
Dadkayaga u laayaa
Xaylaa ka digayoo
Digtoonaantu waa taa
Danta caalamkaa ah
Inaan laba dawoobin
Oo dagaalku raagee
Xaylaa ka digayoo
Innagaan dareemine
Doqon iyo damaaci
Damiir laawe oo idil
Dibindaabyadooda
Xaylaa ka digayoo
Nama dagi karaayaan
THE END
Thursday, January 5, 2012
Sunday, January 1, 2012
XOG WARRAN – DISCOURSE
Xalay aniga oo ladi Xayndaabka hooygiyo Xeradeena jooga Riyo xiiso badan loo Oon weli xusuusto Xaakim ila wadaagee Axmed Xaylihi tegay Xigmad badane weeye Ee Xaakim oofsaday Xaajaggal ahaayee Xushmo nagu lahaayee Aad loo xurmayn jiray Xamar iga waraystoo Sida xaalku uu yahay Xuduudaha dalkoo dhane Xornimaan u hadalnoo Xaal waraysi dheer baan Xaraf xaraf u siiyee Xiisad iyo colaadiyo Abaar xaaluf keentaa Kumanaan xijaabteen Xagaldaacday xaajoo Xigaalkaa is dilayee Waa xaraarug xaalkuye Wuxuu Xayle igu yiri Qof haddu xisaabtami Xasuuq iyo ma gaysteen Xeebaha sun kuma shubo Dhirta xaaluf kama dhigo Xoolo dhedig ma dhoofsheen Dalka muu xumeeyeen Xabaalaha ma faagteen Xadgudub ma gaysteen Abti laga xishoon jiray Xoolihiis ma boobeen Xinjirtiis ma daadsheen Wuxuu yiri xumaantaas Colaadaha xad dhaafkaa Xal ayaa uun loo heli Xilahaan ka tegay iyo Ilma Xayle oo idil Xaalkooda ii sheeg Marrastaadi Xaylow Xaakim baa ilaalshoo Way ku wada xusaayaan In ay Xariga Eebe Ay xoog u haystaan Reer Xayle gaarsii Adigey xilsaaraye Anigoo ku soo xigan Xasil yaan u gaarsiin Isagoo xaraga socon Ku xerooyay janadii Xeeldheeraheenii | I was sleeping last night Home was cozy and safe I was home with family A fascinating dream Of which I still remember The Lord shared with me The departed Ahmed Haile The sagacious one Whom the Lord took away He was a peacemaker Whom we honored well He was widely respected He asked me about Mogadishu He inquired about any updates About the entire country We communicated freely I gave him the updates In great details Conflicts and wars Devastating droughts Thousands have perished The situation is out of hand Brothers killing each other The condition is really dire Haile said to me If someone is responsible He will not commit genocide He does not poison the seas He does not deforest He does not export female livestock He does not injure the country He does not desecrate graves He would not commit violations The venerated maternal uncles He does not rob them Or shed their blood He said these abhorrent actions The endless civil wars Will one day cease The beloved wife I left behind All the Haile children Tell me about them The entire Haile family The Lord is protecting them They fondly talk about you He said To hold fast to the rope of God Without any distractions Convey to the Haile family You have sent me as a messenger I will quote you with accuracy I will convey to them this message He strolled away with dignity And returned to paradise The cherished expert |
Subscribe to:
Posts (Atom)